Hoppa till huvudinnehåll

Om Vänsterpartiet på somaliska

Amaankaaga mas’uuliyadiisa waxaa iska leh siyaasiyiinta

Waxaanu doonaynaa inaanu dhisno Iswiidhan xoog ah, meel ay ka jirto fursado loogu talogalay dhammaan dadka raba inay naftooda u abuuraan nolol sii fiicnaata.

Dhammaan dadka ku nool Iswiidhan waa inay amaan ku helaan gurigooda iyo xaafadooda. Maanta waxaynu haysanaa dhaqaale ku dhismay ganacsi maandooriye iyo awood hub. Taas waa inay joojiyaan kastamka iyo booliiska.
Rabshadda dhimashada leh waxay ku dhacdaa dhammaan dadka ku nool xaafadaha ay kooxaha dambiilayaasha ah ay xoog ku yihiin. Carruurtu maaha in ay u baahato ku soo korid ay aaminsan yihiin in rabshad iyo dambiilonimo ay tahay fursad ka fiican ta iskoolka.

Markaas waxaa loo baahanyahay fursado fiican oo caddaalad leh dhinaca waxbarasho. Iskoolku wuxuu noqday mid kala qaybsan. Kuwa haysta furado fiican bilowga hore ayaa hela iskool fiican, oo kuwa ka yimi xaafado sabool ah waxay dhigtaan iskoolo leh dhaqaale yar. Iskoolka Iswiidhishka wuxuu noqday goob suuq oo halkaas shirkado iskoolo oo waaweyn ay ku tartamaan inay faa’iidada ugu badan ka sameeyaan ardayda iyo canshuur bixiyaha. Taas ayaan rabnaa inaanu joojino. Iskoolku waa inuu carruurta oo dhan siiyo waxbarasho fiican – tani waa siyaasiyiinta mas’uuliyadooda.

Amaanka waxaynu u dhisaynaa si wadajir ah. Dhammaanteen waxaan u baahanahay shaqo amaan ah iyo deegaan shaqo oo hubaal ah. Cidnaba maaha in la takooro ama loo geysto rabshad dagaal. Waa in aynu awoodno in aan aamino in haddii aan jirano ama bilaa shaqo noqono markaas aynu heli doono lacag suurtagelisa in aynu sii wadi karno iska bixinta kharashka xisaabaadka iyo kirada. Marka aynu gabowno waa in aynu haysano lacag hawl-gab oo lagu noolaan karo.

Amaan waa xitaa in la ogaado in isbaddalka cimilada la hakin karo si aynu aduun nool uga tagno carruurteena.

Vänsterpartiet wuxuu doonayaa inuu dib ula soo noqdo awoodda dimoqraadiyadeed ee daryeelka dadweyne, siyaasadda guryaha iyo aasaaska dal sida koronto, jidadka tareenada iyo gaadiidka kale ee dadweynaha. Bulsho xoog ah oo keliya ayaa ka soo bixi karta hawsha ah in la joojiyo isbadalada cimilada, yareynta cadaalad darooyinka dhaqaale iyo abuurka mustaqbal u fiican u fiican dhammaan dadka ku nool dalkeena.

Siyaasadda waajibkeedu waa in wax la baddalo oo la qaado mas’uuliyad. Siyaasiyiintu waa inay joojiyaan inay mas’uuliyadda saaraan suuqa ama in dadyow gaar ah sameeyeen doorasho xun.

Vänsterpartiet wuxuu muujiyay in aynu gaari karno natiijo marka aynu shuruudo soo jeedino oo u shaqayno kuwa na doortay waajibka ay noo dhiibteen in la fuliyo. Haddii aad doonayso in aad aragto siyaasiyiin badan oo wax qabanaysa intii la hadli lahaa oo keliya – u codee Vänsterpartiet!

Texten ovan finns för tryck och för utskrift på skrivare.

Se också filmen där Mohamed Nuur, kandidat för Vänsterpartiet i höstens val, berättar om partiets valfrågor på somaliska. Dela den gärna med vänner och bekanta!